Zohra – walaashay waxay noolal ku deeqday dad badan

Zohra – min syster gav liv till många andra är en berättelse om att vara närstående till en organdonator. 

För berättelsen på svenska klicka här. 

Walaashay yar waxay ahayd qof qurxoon, shaqsiyadeeda iyo aragtideeda’ba. Qof mar walba baahida dadka kale iska hor marineysa. Waa shaqsi xanuun iyo dhibaatooyin badan soo martay, laakin qofkasta ey la kulantay ula dhaqantay si dadnimo, naxariis iyo karaamo badan. Markii ay si qoto dheer ugu sii dhaadhacday werwer iyo niyad-jab, waxay dhowr jeer ka fikirtay su’aalaha waaweyn ee nolosha. Caawintu waxay ahayd fikar ku soo noqnoqanaayey. Waxay ahayd mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu waxtarka badan ee aan abid la kulmo; qof had iyo jeer u heellan inuu qof kale caawiyo si kasta oo ay xaaladdu tahay. Micna ma lahayn xaaladda uu qofku ku sugan yahay, haddii ay aragto qof u baahan gargaar ama dhibaateysan, mar walba way garab istaagi jirtay.

Qof ayaa berri yiri “Qof walba ma caawin karo, laakiin qof kastaa qof buu caawin karaa”. Tani waxay u badan tahay inay ahayd mid ka mid ah falsafada nolosheeda. Waxa laga yaabaa in taasi tahay sababta ay u taageereysay xubna deeqidada. Waxaan xasuustaa dhacdo aanu ka hadalnay xubno deeqis guriga waalidkey. Nasiib darro, qof kasta oo qoyska ka mid arrintan kama ey warheynin waxa aanu lahayn aragti kala duwan,taas oo ay ugu wacan tahay jaahilnimo ayaan filayaa. Oraahda doodda ka dhex muuqatay ayaa ahayd: “Haddii aabo lagu deeqsaday keli oo uu nolal cusub helay, maxaan u caawin waayay bini’aadim u baahan oo aan iska diiwaangeliyo diiwaanka deeqaha?”. Xaqiiqda ah in aabaheen uu helay deeq keli ah oo dhowr sano ka hor ah oo kor u qaaday tayada noloshiisa, naftiisana ku badbaaday, waxay walaashay yar indhaheeda u furtay saamaynta ay ku yeelan karto shakhsiga. Waxay noo ahayd indho-fura qoyska dhexdiisa sababtoo ah qofna hore ugamay fikirin arrintan.

Nasiib darro walaashay iga yar kama ay gaadhin in ay is diiwaangeliso deeq bixiye xubnaha. Xagaagi, marka ay la halgamaysay niyad-jab mudda dheer, waxay go’aansatay inay isku daydo inay nolosha iska qaado, waxay ku danbeysay qaybta daryeelka degdegga ah ka dib markii ay dib u soo noolaatay.Qoyska, oo ku faafsan Iswiidhan, ayaa isugu yimid isbitaalka. Waxaan xusuustaa wadahadalkii aan la yeeshay dhakhtarka suuxinta oo habeen saq dhexe ii yeedhay. ” Walaashaa waxay isku dayday inay is disho oo hadda waxay ku jirtaa qaybta daryeelka degdegga ah,” ayuu igu yidhi si culus. “Xaaladeedu waa sidee?”, Waxaan ku guuleystey inaan ka soo kor kaco. “Waxay nagu qaadatay 25 daqiiqo inaan wadnaheeda ka dhaqaajino,” ayuu ku jawaabay. Aniga, oo kalkaaliso ah ayaa si dhakhso ah u fahmay ey xaaladu xuntahay, sidaas darteed waxaan ka soo safray Stockholm ilaa Borås si aan u soo walaashay la joogo qaatumada.

Waxay bilaabeen ogaanshaha dhimashada maskaxda subaxii ku xigay markii ey sameeyeen baadhitaanada neerfaha mar labaad, waxaa la xaqiijiyay inay dhimatay maalintii dhalashadeeda. Waxay ahayd 23 jir. Murugo daraadeed waxa nagu adkayd macluumaadka la bixiyay in uu naga dhaadhaco. Takhtarka mas’uulka ka ah ayaa nala soo hadlay arrinta ku-deeqidda xubnaha ka dib markii baaritaankii ugu horreeyay la dhammeeyay. Hooyo ayaa markii hore ka soo horjeesatay ku-deeqidda suurtagalka ah ee xubnaha, sababtoo ah waxay dareentay inay dhawacayso ilmaheeda haddii ay ogolaato ku-deeqidda xubnaha; Qoomameyntu wuxuu ahaa mid aad u weyn.Waxaan sugeynay walaalahey inta aan go’aan gaarin. Walaashay iga yar, magaceeda waxa la odhan jiray Selei, waligeed wakhti uma helin inay iska diiwaan geliso diiwaanka deeqaha. Markii aanu wada fadhiisanay oo aanu wada sheekaysanaynay, ayaa qof kastaa waxa uu xasuustay doodii ku saabsanayd ku-deeqidda xubnaha jidhka ee ka dhacay guriga dhawr sano ka hor. Waxaa markaas noo caddaatay in ay si togan ugu dhiiratay ku-deeqidda xubnaha jirka. Waxay sidoo kale muujisay dhowr jeer oo kale. Dood dheer ka dib, qoysku waxay isla garteen in xubnaheeda loogu deeqo. Walaashay malaha si kale may doonayn. Maalintii xigtay, laba ama saddex kooxood oo xubno beeralay ah ayaa u yimid oo ka qaaday wadnaha, sambabada, beerka iyo kelyaha.

Qof baa berri yiri “xanuunka aad dareemeyso maanta waa xoogga aad dareemidoonti berri”. Runtii waan ku raacsanahay.Geerideeda lama filaanka ah waxay nagu noqotay qoys ahaan naxdin iyo xanuun badan. Hooyo waxay weyday cunuggeedii ugu yaraa, walaalihii’na walaashoodi ay jeclaayeen. Xitaa maanta, way nagu adag tahay inaan fahamno inay maqan tahay. Isbedelku wuxu aha maalintii uu na soo wacay takhtarka suuxinta ee mas’uulka ah. Walaashayda iga yar waxay caawisay shan (ama lix, aad bay u adkeyd in la fahmo) shakhsiyaad ka farxisay. Qalliinka ayaa si wanaagsan u dhacay, dadkii nasiibka u yeeshay ee helay xubin cusub wey wacnaayeen.Dareenka igu kacay markaas waa mid aan la sifeyn karin. Dhinac haddi laga eego, runtii aad bay ii dhibtay, waayo sheekadu waxay iga dhigtay inaan garwaaqsado inay walaashay maqan tahay (waa markii ugu horreysay ee aan ooyo tan iyo markii ay dhimatay). Dhanka kale, waxaan dareemay farxadda adduunka. Waan ogahay, waa laba dareen oo aad u kala duwan oo hadana aan isku mar dareemaayey.

Sidaas oo ay tahay dareenka ogaanshaha in walaashay ay dadka kale caawisay dhimashadii ka dib waa wax aan la sifayn karin.  Waxay aniga iyo qoyskayga niyada noo dhistay.In kasta oo aanay doonayn in ay sii noolaato, haddana waxay caawisay shan ama lix qof oo kale oo runtii rabay. Dadkaas ayay nolosha u soo celisay. Intaa waxaa dheer, waxay dhiirigelisay qoyska iyo asxaabta, taas oo sababtay in inta badan dadka ay taqaanay ay beddelaan fikradahooda ku saabsan ku-deeqidda xubnaha oo ay doortaan inay iska diiwaan geliyaan diiwaanka deeqda.

Isku qor diiwaanka, la hadal qaraabadaada oo wax ka beddel nolosh.

Zohra Mangal.