Mergime- Daalka dhalmada ka dib wuxu noqday hawlgab wadneed.

Mergime- Min enorma trötthet efter förlossningen visade sig vara hjärtsvikt.

Vill du läsa berättelsen på svenska klicka här. 

Magacaygu waa Mergime Krasniq, waxaan ahay 25 jir. Diseembar 12’keedi 2020 waxay ahayd maalintii iigu farxad badneyd aniga iyo ninkeyga, madaama ay dhalatay gabadheena Klea. Uurka iyo dhalmaduba bila mushkilo ayeey ahayeen, maalintii ku xigtay’ba guriga ayaanu aadney. Waalidnimadu run ahaantii ma fududayn, habeenno badan oo hurdo la’aan ah ayaa i dareensiiyey daal joogta ah, sidaan islaha. Saddex toddobaad ka dib waxaan bilaabay inaan dareemo calaamadaha hargabka.Habeen habeenada ka mid ah waxa aan dareemay in ay neeftu igu dhageyso isla markii aan jiifsado. Waxaan is-idhi waa Corona, dabcan! 05 subaxnimo ayaan go’aansaday in aan aado qeybta gargaarka degdega ah. Waxay ku bilaabatay tijaabada Covid, kaasoo noqday negatif. Waxa igu dhacay cadaadis dhiig oo dhan 40/33 iyo garaac wadne oo aad u sarreeya. Wax badan ma qaadan ka hor intaan afar dhakhtar ila joogin, oo waxay xaqiijiyeen in dareere badan uu ku ururay sambabadayda. Cabirka dhiigu wuxu aha 40/30 iyo garaac wadne oo aad u sarreeya. Isla markiiba waxaa ii yimi afar dhakhtar, oo waxay xaqiijiyay in dheecaan badan uu ku ururay sambabadayda.

Maalintii xigtay dhakhtar wadnaha ayaa qolkayga iigu yimi wuxuuna ii sheegay in uu igu dhacay PPCM (Peripartum kardiomyopati)PPCM waa nooc hawlgab wadnaha oo ku dhaca haweenka markay xaamilo yihiin ama lixda bilood ee ugu horreeya dhalmada ka dib.Waxa uu ii sheegay in wadno-gabkaygu uu halis yahay, waxa kale ka dhawaajiyay in aan u baahankaro qalab xoojiya garaaca wadnaha amaba wadna deeqis. Waxa aan bilaabay in aan “la murmo” isaga madaama ey maskaxdeydu aqbaliweydey waxa uu yidhi. Wax kale ma dareemin – daalka mooyaane.Sideen u aqbali karaa in wadna deeqis? Aniga oo aan weligay xanuusan! Laakin sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, wadnaheygu waxa uu garaacmaayey kaliya 10-15 boqolkiiba.

Bishii Febraayo 2021, waxaan ku qasbanaay in aan raaco helikobtar ambalaas ilaa cisbitaalka jaamacadda Sahlgrenska ee Göteborg. Halkaa waxa aan ku qasbanaaday in aan isku dayo daawooyin kala duwan, ilaa ay ka arkeen in midkoodna aanu shaqayn.Waxa aan bilaabay in aan ka sii daro, heer aan aadi kari waayay musqusha. Laakin wali maan quusan. Aniga iyo ninkeyga, oo ila joogay mar walba, waxaan go’aansanay inaan si wadajir ah u dagaalanno, ilaa aanu mar labaad guriga ugu soo laabano Klea! Dhamaadkii Febraayo waxay go’aansadeen in 4-ta Maarso la igu sameeyo qalliin oo la i galiyo bamka wadnaha (LVAD). 3-da Maarso waxa ii igu timi booqasho walaashay, sida ey iga ag-dhawaato iyada iyo ninkeyga.Dhammaan qaraabadeyda kale waxay ku hareen Östersund waxayna u daryeeli jireen Klea sidii inay tahay amiirad. Habeenka qalliinka ka hor waxa aan ku dhowaa in aan noqdo bila tamar. Waxa igu bilowday matag dhiig iyo xumbo. Waxay ahayd inaan hoos dhaadhaco qaybta daryeelka degdegga ah halkaas oo laga naqaashaayey in ley suuxiyo.

Waxa kaliya ee aan markaas ka fikirayay waxay ahayd Klea, in aanan xitaa waqti u helin in aan si fiican hab u siiyo, in ey garan weydo udgoonkeyga, oo laga yaabo in aynaan mar kale kulmin.4-tii Maarso, fiidkii, waxaan ku toosay codka ninkeyga iyo walaashay “waanu kula joogna, wax walba si fiican ayey u dheceen”. Aad ayaan u daalay, wax walbana waan iska indho-tiray xilligaas oo waxaan doonayay inaan seexdo. Maalintii xigtay markii aan soo kacay oo aan arkay fiilo caloosha ku jirta iyo fiilo ila iyo korontada gashay, markaas ayaan fahmay waxa dhacay. Had iyo jeer waxaan is dabo jiidaayey boorso, halkaas oo ey ku jirtay qaybta kontoroolka sida loo yaqaan, iyo sidoo kale laba baytari oo waaweyn oo bamku ku socdo. Bishii Abriil 2021, waxaan ku soo laabtay guriga Östersund oo aan ugu dambeyntii la kulmay Klea! Nolosha bamka ayaa ahayd mid aad u xaddidan, isbuucii laba jeer ayay nabarradaydii dib u habeynaayeen, baaritaannada dhiigga hal mar toddobaadkii. Laguuma ogola inaad qubeysato, in aad cabitaan aad u badan ama aad u yar cabtit. Juun 2021, waxaan aadi lahaa Sahlgrenska si aan u soo booqdo. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, way fiicnanlahayd in la sugo ugu yaraan lix bilood intaanan leygalin liiska sugitaanka. Jidhku waxa uu u baahday ka soo kabasho qaliinkii ugu horeeyay. Laakiin waxaan ku adkaystay inaan ka mid ahaado liiska, maadaama aan doonayay inaan sameeyo! Oo maadaama dhamman baadhitaanka dhiigga uu wanaagsana, taas oo xoojineysa in aan kabsaday oo aan mari-karayo qalliinka weyn. Markaa waxay i galiyeen liiska sugitaanka wadne deeqis! Laakiin waxaa ley sheegay in ay qaadan karto lix bilood ilaa laba sano. Waxaan imid guriga ka dib fariinta farxadda in aan dharka xidhxidho’na degdeg ma ahayn, sidaan is idhi. Maalmihii bisha Juun waxay ahaayeen gabi ahaanba cajiib, qorrax iyo kulayl. Waxa aan isku dayay in aan reerka kula raaxaysto cimilada wanaagsan intii suurtogal ah. Subax alisay bisha Julaay 2021, saacadu markay ahayd 03:34 talefonkaygu aya dhacay! Waxaan is idhi qof baan kugu soo qaldamay.Laakiin waxaan maqlay cod deggan oo ii sheegaya inay wadne cusub ii hayaan. Waxaan bilaabay gariir, oohin, isla markaasna waxaan isku dayay inaan ninkayga u sheego arrintii. Waxay igu soo doonayeen saacad gudaheed, waxba iima diyaarsaneyn! Wacay oo wargeliyay qoyskaygii iyaguna shan iyo toban daqiiqo gudahood iigu yimadeen oo wax walba iga caawiyay. Daqiiqadii ugu xumayd ee safarkaygii jirrada oo dhan waxay ahayd macsalaamaynta Klea oo aan galay ambalaas si aan u aado Sahlgrenska. Fikir badan!

Markaan ku soo degay Sahlgrenska shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay igu soo dhaweeyeen si fiican oo xirfadeysan. Wax walba way diyaariyeen, aniga iyo wadnaheyga cusub uun bay sugayeen. Qaliinku wuxu qaatay siddeed saacadood. Wadnuhu wuu ku habboona jidhkayga. Laakin saacado ka dib, waan dhiig baxay taasoo keentay in ay igu celiyaan qolka qaliinka oo ay mar kale igu qalaan. Waxaan mar kale ku baraarugay codka ninkeyga iyo walaashay, laakiin markan waan ka sii liitay ugu horreeyay. Xanuun badan oo laabta ah, welwel, cabsi. Waxaan lahaa aragtiyo badan oo dhalanteed ah habeen iyo maalinba! Habeen badhkii si joogto ah waxa i soo toosiyay weerar argagax leh oo aanan weligay hore u yeelan. Ma fahmin waxa igu dhacay. Su’aalo badan oo aan jawaabo u waayay ayaa i soo maray. Waxaan is laha isla markiiba waad fiicnan, laakiin taasi run ahaantii xaaladdu may ahayn. Aad ayaan u daalay jir ahaan iyo maskax ahaanba. Muddo dheer ayey igu qaadatay ilaa aan dareemay in aan soo roonaaday. Dhowr maalmood ka dib qalliinka, Klea waxay hore u soo raacday waalidkey si ay ii soo booqdaan. Waxan xasuustaa in aan awoodayda oo dhan u adeegsaday sidaan aan hab siiyo. Waa dareen aad u xun in aad tamar la’aan noqotit oo awoodi waydid in aad saacado kooban la fadhiisatid qoyska. Shan usbuuc ka dib qalliinka, waxa ugu dambeyntii ley ogolaaday in aan aado guriga. Caawinaad badan ayaan ka helay ninkayga iyo qoyskayga. Maalin kasta waxaan dareemaaya in aan soo roonaanayo. Bilowgii, waxaan balamo joogto ah ku laha Sahlgrenska, laakiin waxay bilaabeen inay  nusqaamaan waqti ka dib. Nasiib wanaag, wax walba ilaa iyo hadda wey wacanyihiin. Shaqada waxaan kaga jiraa fasaha bukaanka, waxan wakhtigayga oo dhan la qaataa Klea iyo qoyska.Hadda waxa ii balansan mar labaad dib u soo noqoshada bisha Abriil ka dibna kormeerka sannadlaha ah ee ugu horreeya ee Luulyo! Waxaan rajeynayaa in wax walba ay ku socdaan jihada saxda ah iyo in aan dhawaan nolol caadi ah ku laaban karo.

Hadda oo aan fadhiyo oo aan qorayo sheekadayda, wax walbaa waxay ila yihiin sidii riyo! Kuwiinna fadhiya oo baaqinna sugaya, weligiin ha quusan. Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo halkan fadhiya waxan akhrin doono sheekooyinkiina!

Aad baan ugu mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee i haya welina sii wadaan daryeelka labada Isbitaal Östersund  iyo Isbitaalka Jaamacadda Sahlgrenska.  Waxan kale oo aan u mahadnaqaaya ninkayga iyo qoyskayga oo daqiiqad kasta ila joogay!

Waad ku mahadsan tahay, deeq bixiyahayga, oo ii suurtageliyay inaan mar kale soo noolaado. Adigaa la’aanteed, Klea maanta hooyadeed ma haysan lahayd!

// Mergime